Baydhabo Oo Laga Daahfuray Mashruuc lagu Horumarinayo 5 Degmo

0
399

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu daah furay mashruuc cusub oo lagu horumarinayo shan degmo oo ka tirsan deegaannada Maamulkaasi.
Furitaanka Mashruucan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha baarlamanaka Maamulkaasi iyo Mas’uuliyiin.
Degmooyinka lagu horumarin doono Mashruucaan waxaa ka mid ah degmada Xudur, Ceel Barde, Diinsoor iyo Badhabo oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Baay.
Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Maamulka K/galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in degmooyinkan loogu talo galay in laga taageero dhinacyada dhaqaalaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada waxaa ayna la kaashanayaan hay’adaha ka shaqeeya deegaannada K/galbeed.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Baydhabo Oo Laga Daahfuray Mashruuc lagu Horumarinayo 5 Degmo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.