Beello Ku Dagaallamay Sool Oo La Heshiisiiyey

0
320

Beello ku dagaallamay gobolka Sool ayaa heshiis la kala dhexdhigay, kadib dedaallo ay sameeyeen waxgaradka iyo sidoo kale xubno ka socda Somali State.
Beelahan oo muddo ku dagaallamay gobolkaasi ayaa dhanka kale waxa ay fuliyeen qodobo ka mid ah heshiiskii lagu gaaray magaalada Jigjiga.
Waxa ay beelahan bixiyeen duugta dadkii la kala dilay iyo sidoo kale la isku soo celiyey hubkii ay Labada dhinac kala qabsadeen.
Maamulka gobolka Sool ayaa kula dardaarmay beelahan iney iska ilaaliyaan wax walbo oo colaad keeni karta.
Labadan beel ayaa dhanka kale ka shaqeyn doona dib u dhiska guryahii dumay iyo sidoo kale kala qaadasha magta dadkii Labada dhinac ka kala dhintay.
Goobjoog News




SOURCE: Beello Ku Dagaallamay Sool Oo La Heshiisiiyey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.