Beesha Caalamka oo Madaxda dowladda Federaalka ku cadaadineysa Shirka Garowe

0
319

jowhar Somali News Leader
Beesha Caalamka ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii uu u qabsoomi lahaa shirka lagu wado in 2-da bisha May uu ka dhaco magaalada Garowe, kaasoo ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in 2-da bisha May uu garowe ka furmi doono shir wada tashi ah, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada inay ka soo qeyb galaan.
Wararka ayaa sheegaya in diyaar garowga shirka uu ka soo bilowday magaalada Nairobi, halkaasoo saddexda Maamul goboleed Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula kulmeen Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo u gudbiyay cabasho ka dhan ah dowladda Federaalka.
Xubnaha Beesha Caalamka sida Safiirka Mareykanka ayaa la sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay ku cadaadinayaan in shirkaas ka qeyb galaan, isla markaana aanu noqon sida shirarkii horay u baaqday oo kale.
Bishii March gogol uu dhigay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni kaddib caleema saarkiisa ayaa waxaa gogoshaas ku timid dib u dhac, sababo aan la shaacin.
Sidoo kale Martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda dowlad Goboleedyada inay 19-kii bishan April inay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ayaa isna qabsoomi waayay, taasoo ka dambeysay markii ay diideen qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana shuruudo ka xireen.
Dadaalada Beesha Caalamka wado ayaa ah sidii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ay is faham iyo wadashaqeyn u gaari lahaayeen, iyadoo muddo sanad ku dhow aanay wax shir ah yeelan Golaha Amniga Qaranka ee ay xubnaha ka yihiin Madaxda Qaranka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.
Si kastaba ha ahaatee shirka Garowe ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxyaabaha ka soo bixi kara iyo isfahamka ay gaari doonaan madaxda, sidoo kale waxaa iyana isha lagu heyn doonaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay wadajir u tagi doonaan Garowe iyo in kale, inkastoo su’aal la gelinayo hab maamuus ahaan qaabkii uu Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ugu casuumay shirka Garowe Madaxda dowladda Federaalka.
The post Beesha Caalamka oo Madaxda dowladda Federaalka ku cadaadineysa Shirka Garowe appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Beesha Caalamka oo Madaxda dowladda Federaalka ku cadaadineysa Shirka Garowe

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.