Beesha Sacad oo shirkii Gaalkacyo kasoo saartay go’aano adag oo ku saabsan Galmudug

0
65

Gaalkacyo (Caasimadda Online)-  Shirkii Beesha Sacad uga socday magaalada Galkacyo bisha Juul;ay 10-14 keedii ayaa waxaa maanta laga soo saaray Warmurtiyeed rasmi ah. Waramurtiyeedka oo meelo badan taabanayay ayaa beesha Sacad waxa ay ku cadeeysay mowqifkeeda ku aadan Dowlad Goboleedka Galmudug.Beesha Sacad ayaa iclaamisay kuna baaqaday in shirka dib u heshiisiinta reer Galmudug uu ka dhaco magaalada Galkacyo. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen in dowlada Fedaraalka ay faraha kala baxdo arimaha Galmudug loona dhaafo reer Galmudug in ay xalistaan arimahooda u gaar ah.Beesha waxa ay si dahsoon oo farsamaysan ku sheegtay in ayan marnaba taageeraynin in Dhuusamareeb doorasho lagu qabto. Waxa ay sheegeen in ay waafaqsan tahay sharuucda ku qoran dastuurka Galmudug kaas oo ah in doorashada Galmudug ay ka dhici karto oo kali ah Magaalada Cadaado.Halkaan hoose ka akhriso Qodobada kasoo baxayHalkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaaCaasimada Online Xafiiska GaalkacyoCaasimada@live.com 




SOURCE: Beesha Sacad oo shirkii Gaalkacyo kasoo saartay go’aano adag oo ku saabsan Galmudug

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.