BENZEMA IYO BALE OO BILAABAY ARIN LAYAAB LEH TAN IYO MARKII UU RONADLO KOOXDA KA TAGAY.

0
78

AC Milan ayaa booqatay Caasimadda dalka Spain si ay u wajahaan Real Madrid ciyaartii Koobka Bernabeu Trophy ee Sabtigii xalay dhacday, iyadoo Karim Benzema iyo Gareth Bale ay soo muujiyeen in aan la tebi doonin Cristiano Ronaldo keddib guul 3-1 ah oo ay kooxdoodu gaartay.
Laacibka dalka Portuguese-ka ayaa ku biiray Juventus, Julen Lopetegui ayaana u baahan in uu heli ugu yaraan 40-kii gool ee Sanad walba looga xisaabtami jiray Ronaldo.

Xiddigaha kasoo jeeda Faransiiska iyo Wales ayaa waxay sameeyeen Bandhig fiican sanadka 2017/18 in kastoo marka loo fiiriyo shaqada Sanadkan laga sugayo ay ka weyntahay wixii ay sameeyeen 2-dii Sano ee lasoo dhaafay.
Kaliya 2 daqiiqo ayey ku qaadatay Benzema inuu dhaliska u billaabo kooxdiisa Los Blancos waxaana u istaagay taageerayaal badan markii uu madaxa la helay Koroos uu si wanaagsan usoo dhigay Dani Carvajal.
Bale ayaa gool dhaliyay isaguna ciyaarta qeybteeda hore oo dhammaad ah kaasoo uu hoggaanka ugu dhiibay Real markii goolkii hore laga barbarreeyay keddib.
Labada laacib waxaa saarmi doona cadaadis dhanka goolasha ah oo aad u sarreeya maaddaama kooxdu aysan soo qaadan beddelkii Ronaldo oo ahaa dhaliyaha Sanad walba ugu sareeyn jiray kooxdaas.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: BENZEMA IYO BALE OO BILAABAY ARIN LAYAAB LEH TAN IYO MARKII UU RONADLO KOOXDA KA TAGAY.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.