Booliiska oo loo sheegay in bajaajlayaasha ay yihiin Al-Shabaab, amarna la siiyey

0
20

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimad Online ayaa sheegay in taliyayaasha ciidamada booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir lagu war-geliyey in ay kawar qabaan rag uu ku tilmaamay Al-Shabaab kuwaas oo kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajta magaalada Muqdisho.Taliyayaasha ayaa dhowr maalmood ka hor lagu amray in ay il gaar ah ku hayaan Bajaajlayda islamarkaana aysan ogolaanin qayla dhaanta iyo banaanbaxyada qaarkood ka soo baxaysa, ayadoo loo sheegay in aysan jirin cid ku qabsan karta hadii ay toogtaan qof looga shakiyay qal qal gelinta amniga.Si kastaba, qorshahan ayaa markii dambe is-beddelay, waxaana ciidamada hadda laga qaaday isgoysyada ayadoo lagu beddelayo ciidamo cusub, mana cadda in weli amarkii la siiyey kuwii hore ay ayagana haystaan iyo in kale.Mid kamid ah Taliyaasha Ciidamada Booliiska ee degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay “Waxaa na loo sheegay in Bajaajlayda ay ku jiraan xubno badan oo Al-shabaab ah kuwaas oo iska dhigo Bajaajlay Shacab ah” ayuu yiri Sarkaal Booliiska ah oo aan qarinay magaciisa iyo degmada uu joogo.Wali waxaa jira taag taag iyo kala shaki u dhaxeeya Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo dhalinyarada Kaxeysa gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajta lamana oga sida xalka lagu heli doono.Hadii ay sidaan wax ku sii socdaan ayaa laga cabsi qabaa in dhalinyao badan ay toogasho ku dilaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay cabsi ka qabaan qaar kamid ah dhalinyarada Bajaajlayda ee Gobalka Banaadir.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sabtidii dibad-baxayaashii Muqdisho ee ka cabanayey dilka bajaalayda, oo u badnaa darawallada bajaajta ku til-maamay inay yihiin Shabaab.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Booliiska oo loo sheegay in bajaajlayaasha ay yihiin Al-Shabaab, amarna la siiyey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.