Booqashada KHEYRE ee Kismaayo oo farriin culus oo siyaasadeed u dirtay…

0
199

Kaddib diyaar-garow qaatay muddo toddobaad ah oo loogu jiray soo dhaweynta R,W Kheyre, maalintii shalay ayuu si rasmi ah uga degay magaalo-xeebeedka Kismaayo ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.Booqashadiisa oo ahayd mid si weyn loogu qaadaa-dhigay baraha bulshada, waxay sidatay farriin ugub ah oo laga fahmi karay sida hab-maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyey gudaha mid kamid ah maamul-goboleedyada ugu awoodda badan dalka.Isaga oo ka hadlayay qaabilaadda R/W Kheyre, Madaxweynaha Jubbaland wuxuu booqashadiisa ku tilmaamay mid lama huraan ah oo albaab cusub u furaysa wada-shaqeyn qotodheer oo dhex marta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.Balse gef ma ahan in la yiraahdo booqashada Kheyre way ka gudo-ballaaran tahay kaliya in lagu koobo isku soo dhawaanshiyo iyo wada-shaqeyn?! Waxay sidoo kale iftiimin kartaa dun hoose oo isku xiraysa laba is-bahaysi oo mid kasta uu leeyahay ahdaaftiisa gaarka ah. Waana mid, sida dad badani qabaan, go’aaminaysa nuuca musharrax ee ugu cadcadaan kara doorashada soo aadan.Haddana su’aasha aan wali helin saadaashii lagu yiqiin in lagu hubaal celiyo, waxay tahay kumuu noqonayaa ka-faa’iidaha ‘beneficiary-ga’ ugu weyn ee ka macaasha booqashadan?In laga jawabo su’aashani waxay ka dhigan tahay in la fahmo hannaanka siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo ku wajahayo arrinta Jubbaland. Walow la fahmi karo in xaalka Jubbaland aad uga duwan yahay maamullada kale – oo taniyo markii la aas’aasay uusan ka dhicin nidaam doorasho oo suura-geliya in Axmed Madoobe looga adkaado loolanka – haddana booqashada Kheyre waxay liifadda u gaabisay hankii siyaasadeed ee ku jiray siyaasiyiin ku heyb ah Hoggaamiyaha Dalka kuwaas oo laga fahmi karay inay quudda-reynayaan qabashada xilka madaxtinimada Jubbaland.Hayeeshe, taasi ma ahan sabab kamid ah asbaabaha lagu saadaalin karo is-beddelka dhici kara. Waa sida MD Farmaajo uu kaga fal-celiyo dilemada ‘kala-doorashada’ in Madoobe sii ahaado madaxtinimada Jubbaland – isaga oo u danaynaya doorashada soo aadan ee Xisbigiisa – ama inay ka qaalib noqdaan doonista adag oo heybta uu ka dhashay ugu haliilayaan hoggaaminta Jubbaland.Madoobe wuxuu u muuqdaa hoggaamiye u diyaarsan inuu si qunyar socodnimo ah kula jaan-qaado dabeysha is-beddelka ee NabadIyoNolol. Dhowr jeer wuxuu jeediyay hadallo dabacsan oo u muuqday inay dajin u yihiin xasaradda taagan. Wuxuuna si diblomaasinimo leh uga soo dhalaalay dadaallo dhaafsiiyay ilaa xuduud-beenaadka dalku la wadaago Kenya. Waxaa warar hoose oo warbaahinta qaar ay ku tilmaameen kulan habar-wacasho ah uu Garissa kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Absame.“Qeyb kamid ah dadaalkiisa wada-xaajoodka,” ayuu yiri Baari Sheikh Yuusuf, oo ah helaha Machadka Daraasadda Soomaalida. “Waxaa ka dhigan inuu fool-ka-fool ula fadhiisan karo hadda kaddib madaxda dalka. Booqashadan ayaana suura-gelinaysa.”Arrinta kale ee u baahan fiiro gaar ah waxay tahay Puntland oo dhawaan lagu doortay madaxweyne Siciid Deni kaas oo dad badan ay qabaan inuu tarabuunka ka daawanayo loolanka siyaasadeed ee ka dhex jira mucaaradka iyo dowladda dhexe, waxay dowladdu ku eegeysaa il tuhun maadaama aysan u caddeyn hanashadiisa.Sidaas darteed, booqashadani waxay dharbaaxo kulul wejiga uga dhifanaysaa xisbiyada ugu cadcad doorashada soo aadan inay kula loolamaan midka talada haya. Waayo waxay suura-gelin kartaa in dowladda oo ay feer-socdaan 60% taageerada maamul-goboleedyada inay si sahlan ugu guuleysan karto doorashada soo socta.Si kastaba, marka si guud heegada looga eego, saadaasha ah inta ay la’eg tahay iskaashi dhab ah ayaa ku jirta hubaal la’aan. Dhaliisha ugu weyn oo uu Axmed Madoobe u jeediyay dowladda ayuu ku sheegay inay tahay balan-furyo. Dad badan waxay qabaan in Axmed ciyaarayo ciyaartii Goroyada ay ka tiri; ‘haddii dheeshu fiican tahay lugbaa iigu jirta, hadday xumaatana lugtii waan kala baxay.’Balse, inta laga gaarayo xilli-kala-guurka hore ee doorashada soo aadan, qoraallada caadifadaysan iyo sheekooyinka ku qoran baraha bulshada ma saadaalin karaan nuuca mustaqbal siyaasadeed oo labbadan dhinac ay wajihi doonaan.Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Kala xiriir: hiraal86@gmail.com




SOURCE: Booqashada KHEYRE ee Kismaayo oo farriin culus oo siyaasadeed u dirtay…

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.