BRUSSIA DORTMUND OO MAGACAAWDAY TABABARAHEEDA CUSUB.

0
361

Kooxda Brussia Dortmund ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Tababaraheeda cusub ee laylin doono Sanadaha nasoo aadan.

Lucien Favre ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Xilka Tababarenimo ee kooxda Brussia Dortmund kaa oo kasoo dhex baxay Macalimiin badan oo xilkaasi u ordayay in ay qabtaan.

Waxa uu xilka kala waregayaa taba barihii hore ee kooxda Peter Stoger oo shaqadaasi hayay 6 bilood oo kaliya.

Waa Macalinkii 4aad ee ay magacawdo kooxdan tan iyo markii Jurgen Klopp uu si rasmi ah xilkaasi uga tagay sanadkii 2014-kii.

Dhawaan ayuu Tababare Lucien Favre isaga tagay kooxda Nice oo uu hor kacayay ilaa iyo laba xili ciyaareed isagoona sidoo kale Tababare u soo noqday kooxo ka dhisan Germany sida Hertha BSC iyo Burussia Monchengladbach.

Waxaa ay ka saxiixdeen Maamulka heshiis ku kacaya ilaa iyo sanadka 2020ka.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.