Buuhoodle: Xarunta Lagu Daweeyo Qaaxada Oo Dayacaad Laga Sheegayo

0
235

Xarunta lagu daweeyo dadka qaba cudurka Qaaxada ee ku taallo magaalada Buuhoodle ayaa waxaa xilligan heysta agab yari iyada oo la tilmaamayo inaysan jirin meel la jiifiyo dadka xanuusan.
Xarunta ayaa hadda waxaa ku jira dad gaaray 41 qof oo qaban Cudurka Qaaxada waxaana ay tilmaameen in aysan jirin meel la jiifiyo dadka maadaama bukaannada laga keeno deegaannada hoos yimaad Buuhoodle xaruntana aysan awoodin daboolidda baahiyaha dadka qaba cudurka.
Dadka ku qaata daawada xarunta dhexdeeda ayaa ah kuwa Jiifta bannaanka mana hasytaan hooy taasi waxaa u sii dheer in ay wajahayaan daruufo la xiriira dhanka nolosha.
Dadka Bukaannada ah ayaa dalab u diray cid walba oo ka caawin karta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Isbitaalka buuhoodle.
Goobjoog News
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Buuhoodle: Xarunta Lagu Daweeyo Qaaxada Oo Dayacaad Laga Sheegayo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.