BUYERN MUNICH OO BEENISAY WARARKA XANTA AH EE LAGA FAAFIYAY ROBERT LOWANDOWSKI.

0
199

Gudoomiyaha kooxda Kubada Cagta Buyern Munich Karl- Heinz Rummenigge ayaa waxaa gabi ahaanba uu dafiray wararka xanta ah ee la xiriira in Real Madrid ay Iibsanayso Xidigooda Ropert Lowandowski.

Waxaa uu sheegay in xidigan reer Polan uu sii joogi doono halkiisa ilaa iyo sanadka 2021ka.

Balse wararka ka imaanayay masuuliyiinta kooxda Real Madrid ayaa waxaa ay sheegayeen in xidigaasi uu imaandoono kooxdooda ayna guulo ka gaareen wada hadalada la xiriira saxiixiisa.

Karl- Heinz Rummenigge oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa kusoo gaba gabeeyay Ropert Lowandowski waxaa uu baaqi kusii ahaandoono Buyern Munich.

Tani ayaa waxaa ay dhar baaxo ku noqon kartaa wararka farxada ahaa ee ay maqlayeen Jamaahiirta kooxda Los Balancos.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.