C/llahi Xasan Shariif oo lagu xukumay 28 sano oo xabsi ah

0
198

Edmonton (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala dalka Canada ayaa waxay xukun adag oo 28 sano oo xabsi ah ku riday nin Soomaali ah, oo aan weli helin dhalashada dalkaasi Canada.
Maxkamadda Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ayaa waxay Cabdullaahi Xasan Shariif ku xukuntay sideed iyo labaatan sano oo xarig ah, ka dib markii lagu helay inuu fal dembiyeedyo gaystay.
Ciidamada Booliska ayaa ninkan gacanta ku soo dhigay 30-kii bishii September ee 2017, ka dib markii uu toorey ku dhaawacay Sarkaal Booliska ka tirsan, ka dibna u damcay in uu ku baxsado gaadiidka xamuulka ee dalkaasi looga yaqaano U-Haul truck. Ka hor inta aanay gacanta ku soo dhigin Ciidamada Booliska ayuu gaariga jiirsiiyay dhawr qof, inkastoo dhaawacyo fudud uu falkaasi ka soo gaaray.
Cabdullaahi Xasan Shariif oo 32 jir ah ayaa intii ay maxkamadayntiisu socotay waxaa la sheegay inaanu haljeer xitaa ka hor hadlin Maxkamadda, isla-markaana aanu samayn wax is difaacid ah.
Sidoo kale intii ay socotay maxkamadayntiisa ayaa waxaa la sheegay inaanu jirin wax qareen ah oo ka difaacaayay waxyaabihii loo haystay, ee ay xeer ilaalinta ku soo oogtay.
Wariye-yaasha ayaa ku waramaya in Maxkamadda ay ninkaasi siisay fursado dhawr ah oo uu ku hadli karay, balse uu iska diiday in Maxkamadda uu ka hor hadlo.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in ninkaasi xabsi daa’in lagu xukumo, inkastoo ay ugu dambeen Maxkamadda ku xukuntay sideed iyo labaatan sano oo xarig ah.
Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inaanu wax jixin-jix ah ka muujin xabsiga mudada dheer, ee ay Maxkamadda Edmonton ku riday.




SOURCE: C/llahi Xasan Shariif oo lagu xukumay 28 sano oo xabsi ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.