jowhar Somali News Leader
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa difaacay in dadka Muqdisho ay sameeyaan isku soo bax nabadeed oo ay ku muujinayaan dareenkooda, isagoo si kulul u weeraray sida dowladda u dooneyso inay u hor-istaagto dareenka shacabka.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay xaq dastuuri ah ay tahay in muwaadinka Soomaaliyeed in dareenkooda ku cabiraan isku soo bax nabadeed, isagoo xusay in aan cidna looga heebeysaneyn.
“Waa xaq Dastuuri ah in muwaadinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay dareenkooda isku soo bax nabadeed ku cabiraan, mana jirto cid ay kaga heebaysanayaan, magac Diin, siyaasad iyo dhaqan midkii ay doonaan ha sitaan”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Waxaa uu sheegay in damiir xumo ka weyn aysan jirin in laga aamuso dhibka dhibanaha loo geysto, lana difaaco kan dulmiga geysanaya.
C/raxmaan C/shakuur ayaa soo hadal qaaday dad isugu jira siyaasiyiin, odayaal iyo culimo oo warbaahinta ka hadlayay, kuwaasoo ka digayay banaan baxyada, waxaana uu ku tilmaamay dadkaas in aysan marna ka damqan dhibaatada loo geysto xoogsatada soomaaliyeed ee xaqdarada lagu dilay.
Si kastaba ha ahaatee banaanbaxyada la hadal hayay ayaa si weyn u gilgilay dowladda Soomaaliya, iyadoo hey’adaha ammaanka ay ka digeen banaan baxyadaas.
The post C/raxmaan C/shakuur “Waa xaq dastuuri ah in dadka Muqdisho ay isku soo bax ku muujiyaan dareenkooda” appeared first on Somali News Leader.
SOURCE: C/raxmaan C/shakuur “Waa xaq dastuuri ah in dadka Muqdisho ay isku soo bax ku muujiyaan dareenkooda”