C/Welli Gaas iyo ku xigeenkiisa CAMEEY oo gaaray hoolka doorashada ka dhaceysa

0
296

Garowe (Caasimada Online)-Doorashada madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka bilaabaysa daqiiqado kadib magaalada Garowe, waxaana doorashada madaxweynaha isku soo sharaxay 21 musharax.Xildhibaanada Puntland oo gaaraya 66 xildhibaan ayaa dooranaya mid kamid ah musharixiinta xilkaasi isku soo taagay, waxaana madaxweynaha la doorta uu hogaamin doonaa Puntland shanta sano ee socoto.Wakiilo ka socdo beesha caalamka iyo wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kuwaasi oo korjoogto ka ah doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe.Doorashada madaxweynaha kadib waxaa ku xigo doonta doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, waxaana saacado kadib Puntland ay yeelan doontaa madaxweyne iyo ku xigeenka.Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Cameey oo markale musharixiin ah ayaa ku sugan hoolka doorashada, sidoo kale musharixiinta la tartameysa ayaa ku sugan goobta maanta doorashada ay ka dhaceyso.Caasimada Online ayaa daqiiqad walbaa idiin soo gudbin doonta doorashada maanta Insha allah.Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: C/Welli Gaas iyo ku xigeenkiisa CAMEEY oo gaaray hoolka doorashada ka dhaceysa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.