Cabdi Good oo sheegay in sirdoonka Jabuuti ay dil ugu hanjabeen iyo sababta

0
252

Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Cabdi Good Abees ayaa sheegay in sirdoonka dalka Jabuuti ay dil ugu soo hanjabeen, kadib markii uu dhawaan si adag uga hadlay xiisadii mudooyinkii dambe ka dhex aloosneed Ganacsade Axmed Geelle iyo Qoyska Madaxweynaha Jabuuti.Cabdi Good ayaa dhaliilo ku hurgufay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mar uu falanqeynayey xiisada ka dhex taagan Ganacsadaha iyo Qoyska Madaxweynaha.Abwaanka ayaa sheegay in sirdoonka cabsi galintoodi aysan waxba ka badali doonin ka hadalka arrimahan, isagoona sheegay haddii wax dhibaato ah ay soo gaadhaan in bulshada reer Somaliland ay sirdoonka Jabuuti u raaci doonaan.Cabdi Good oo ka hadlaya Arrimahaas, waxa uu yiri “Saaka labo mar ayaa waxa lay soo kala diray laba farriimood oo Whatsapp-ka laygu soo diray, oo runtii Jabuuti layga soo diray oo laygu hanjabaayo, in ninkaasi uu helay xogo sirdoon oo Hargeysa laygu dilaayo, ama Gaadhi lay jiidhsiinaayo ama xabad inta laygu dhufto magtayda la dulsaaraayo cidkalena aanay idilayn ee ay idilayaan dadka reer Somaliland oo ilaa shaaqiyaduhu ay u yihiin shaqaale oo lacagtayada ku shaqeeya Ama Ismaacil Cumar Geelle la shaqeeya Idiris Cumar Geele ayaad gaadhay ayuu ku leeyahay, markaas Ismaacil Cumar Geele kama hadho dadka ee waa uu dilaa”.waxa uu intaas kusii daray Cabdi Good “Cumar Xasan Al-Bashiir waxa helay waad arkaysaa inuu inqilaab ku qabsaday oo kii ka qaadayna laga sii qabsaday aniguna digtaytar ayaan sheegay hantida reer Jabuuti ee maqana waan sheegay qoyska ku amar ku taagleeyana waan sheegay intaas midna been maaha oo adduunka oo dhan ayaa qirsan, maxaad uga hadashay Ismaacil Cumar Geele ayaa uu sirdoonkiisii iigu soo dirayaa oo uu leeyahay Hargyesa ku dil, waar dhagaxyo soo daadi waxba ha la hadhine anigu Hargeysa ayaan joogaa oo Somaliland ayaan joogaa nin sidaas ku cabsada ma ihi nafta alle ayaa qaada oo marbay baxdaa naabaalo intaad igu soo hogaamiso bal madaxa igaga dhufo nin sidaas ku cabsada ma ihi, waa digtaytar Ismaacil Cumar Geele aniga ayaana taas aaaminsan oo aaminsan in qoyskiisu uu meesha ka shaqeeyo, waxaana kuu cadaynaaya hanjabaadan”.“Nin Sidaas ku baqda oo la iibsado ma ihi, maanta hadaan duray u dhinto waan garanayaa ciddi ay reer Somaliland godobtayda u raacayaan, hadduu duray I dilo ama iskay aan u dhinto” ayuu yiri Abwaan Cabdi Good.Waxa kale oo Abwaanku ka dhawaajiyey in Sirdoonka jabuuti ay ku haystaan maxaad uga hadashay xiisada Axmed Geelle, wuxuuna yiri “Maxaad Ina Cismaan Geele Arab Ugu hiilisay miyaanu ahayn nin ka soo cararay, sida kaas loo eryanaayo ayaa anigana la doonaya maxaad uga hadashay, waar ina Cismaan Geele godabtiisu anigay ii taalaa waanan ka hadlayaa, hadduu dulmiga wadano waan qabanayaa hadduu dulman yahayna waan u hadlayaa, imikana ina Cismaan Geele Arab inta Hargyesa laga kaxeeyo Jabuuti lama gaynmaayo, maxkamadaa sharcigu waxay ku leeyihiin bangiyadu waa halkeeda laakiin maxaad ugu hadashay waar imikaan u hadlayaa,caqliguu jabuuti ku hayayna waa uu hayaa lacagtiina waa uu hayaa, halkanba kanbaniyo waa uu ka samaysanayaa aniguna waan hadli intay saantaydu qoyantahay, qaranka Jabuuti ayaa la dhacay ayaan idhiye ma wax kale ayaan idhi, maamulka Ina Cumar Geelaan wax ka sheegee ma jabuutibaan wax ka sheegay”.Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com




SOURCE: Cabdi Good oo sheegay in sirdoonka Jabuuti ay dil ugu hanjabeen iyo sababta

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.