Cabsi xooggan oo dalka Uganda ka taagan kadib arrin laga war-helay (Aqri)

0
125

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa ciidamo badan oo isagu jiray malateri iyo booliis dhigtay dhammaan goobaha ugu muhiimsan ee ku yaala magaalada Kampala ee xarunta dalkaasi.
Dowlada Ugandha ayaa heeganka ku sheegtay cabsi laga qabo in weeraro kaga imaado dhanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay booliska Uganda ayaa sheegay inay hayaan macluumaad muujinaaya in maleeshiyad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan gudaha Ugandha ay qorsheynayaan weeraro lagu qaado goobaha muhiimka ah.
Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay heleen hanjabaado kaga imaaday Al-Shabaab, hase yeeshee cabsida ugu weyn ay tahay mid taagan xiliga lagu mashquulsan yahay cayaaraha.
“Shacabka waa inay ka feejignaadan weeraro kaga imaada dhanka al-Shabaab, waa in lala shaqeeya ciidanka oo lagu wargaliyaa cida ku cusub deegaanka”
Sidoo kale, Patrick Onyango oo ka tirsan Saraakiisha booliska ee dalka Uganda oo u waramayey wakaaladaha ayaa xusay in booliiska la dagaalama argagixisada iyo ciidamada malateriga ay roondooyin ku sameyanayaan gudaha magaalada Kampala.
“Waxaana gudaha magaalada Kampala gaynay ciidamo dheeraad si ay ugu hortagaan weeraro qaraxyo ah oo dhici kara,sidoo kale waaan kordhinay dhinaca sirdoonka”sidaasi waxaa yiri mr Patrick Onyango.
Dhinaca kale, dowlada Ugandha ayaa dhammaan Hay’adaha amaanka ku wargalisay inay adkeeyan amniga magaalada, gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin shacabka iyo xarumaha dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Cabsi xooggan oo dalka Uganda ka taagan kadib arrin laga war-helay (Aqri)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.