Cali Dheere oo ka hadlay sababta ay u kordhiyeen qaraxyada iyo weerarada hoteellada MUQDISHO

0
278

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa isaga oo la hadlayay idaacadda ku hadasha Afka Al Shabaab wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan sababta ay u kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.Afhayeenka Al Shabaab wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay noqotay hooyga Cadowga uu sheegay inay kusoo duuleen dalka Soomaaliya, taasina ay keentay inay kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay halka laga abaabulo weerarada ka dhanka ah Al Shabaab iyo dadka rayidka, sida uu hadalka u dhigay.Mar la weydiiyay sababta loo bartilmaameysado Hoteelada waaweyn ee Muqdisho ayuu sheegay in Hoteelo aysan aheyn meelaha ay weeraraan, balse ay yihiin HOTEEL ku sheeg, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo cadeeyay inuu kala jeedo in kaliya magaca Hotel ay wataan goobaha ay weeraraan.“Meelaha Hoteelada lagu magacaabo Hoteelo ma ahan, ee waa lagu magacaabay Hoteel kaliya, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo nimaankaan ay degen yihiin, waxaad ogaataan xamar Hoteelo waa ku yaalaan, Mujaahidiinta waxay weeraraan Hoteelo qaas ah”“Hoteelada saxda ah ee shacabka ah degen yihiin Ciid kuma wareegsana, ciidan kuma wareegsana, oo JUHDI Badan laguma bixiyo, laakiin meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan caagagta AMISOM ay adeegsadaan oo caro laga buuxiyay, haddii ay marka meesha Hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena”ayuu yiri Cali Dheere.Sidoo kale Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka iyo shaqaalaha qaar aysan laheyn wasaarado sax ah, taasina ay keentay inay Hoteelo degaan, sida uu sheegayna kuwaasi ay yihiin meelaha ay weeraraan.Dhinaca kale Afhayeenka Al Shabaab ayaa soo hadal qaaday gadoodka maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in dadka madaxda ah ay leexsadaan mushaarka ciidanka.“Nimankaan Masuuliyiinta u ah dowlada, dhamaantood waa dad dibadaha nooga yimid oo baasaboor ajaaniib ah wata, mid kastaa wuxuu og yahay in afarsano kadib uusan soo laabaneyn, marka wuxuu rabaa in mid kastaa uu laabto isagoo lacag ku shubtay Account, midkii ciidan loogu dhiibo wuxuu rabaa inuu cuno, midkii degmo loo dhiibo wuxuu rabaa inuu lacagta cuno”ayuu yiri Cali Dheere.Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday bixitaanka ciidamada Kenya ee degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aad ula socdaan dib u gurashada ay sameynayaan ciidamada Kenya siddeed sano kadib.Kenya ayuu sheegay inay qeyb ka aheyd cadow kusoo duulay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in Kenya ay dhibaatooyin ay kala kulantay Al Shabaab ay ku qasbanaadeen inay ka baxaan deegaano ka tirsan GEDO.Sababta ka dambeysa ciidamada Kenya inay ka baxaan Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay inay ka adkaan waayeen Al Shabaab, islamarkaana Kenya ay u adkeysan weysay dhaqaalaha badan ee ka galay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com 




SOURCE: Cali Dheere oo ka hadlay sababta ay u kordhiyeen qaraxyada iyo weerarada hoteellada MUQDISHO

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.