Cali Geeddi “Haddii Waalid & Caruur is Qabtaan Waalidka Ayaa xalka laga rabaa”

0
289

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, kadib markii uu dhawaan tagay magaalada Kismaayo.Cali Geeddi, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay xaliso tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.Cali Maxamed Geeddi, ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo kula kulmayay madaxda Jubbaland, isaga oo kala hadlayay sidii loo heshiisiin lahaa dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka.“Madaxda dowladda Federaalka, iyagaa laga rabaa wixii dhib inay xaliyaan, dowlad goboleedyada waa muhiim waa madax shacab deegaan soo doortay, dastuur u gaar ay ku doortaan oo qoraya qodobo cad cad, dalka waxaa ugu sareeya dastuurka Federaalka oo ah sharciga dalka lagu maamulayo”“Dowlad Goboleedyada Waajibaad cad ayuu dastuurka siinayaa dowladda Federaalkana Waajibaad ayaa saaran, Dowladda waxay lamid tahay Waalid, haddii caruur iyo waalid is qabtana, Waalidkaa xalka laga rabaa, waxaan rajeynayaa inay gartaan xalinta waxii khilaafaad oo dalka ka jiro”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaliso khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, si loo gaaro horumar wanaagsan oo isku meel u wada socdo.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Cali Geeddi “Haddii Waalid & Caruur is Qabtaan Waalidka Ayaa xalka laga rabaa”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.