Cali Guudlaawe “C/raxmaan Xoosh Jibriil wuxuu ka mid ahaa Halyeeyada ay ku faanaan reer Jowhar”

0
72

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Wasiirkii dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Dubai.
Calo Guudlaawe ayaa si gaar ah geerida ugu tacsiyadeeyay dowladda Federaalka, ehelada, qaraabada iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu ahaa mas’uul Qaranka u soo shaqeeyay waqti adag.
Waxaa uu sheegay in C/raxmaan Xoosh uu ahaa nin bulsho ah oo Soomaali oo dhan taqaanay, waxaana uu tilmaamay in dadka reer Jowhar uu qiimo gaar ah ugu fadhiyay, maadaama uu ka mid ahaa dadka xadaariga ah ee Jowhar ugu caansanaa, isla markaana aheyd magaaladii uu ku dhashay.
“Allaha u naxariisto Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil, wuxuu dalka u soo shaqeeyay waqti adag, wuxuu ka mid ahaa halyeeyada ay ku faanaan reer dadka reer Jowhar, wuxuu ahaa nin bulsho”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.
Allaha u naxariistee C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sanadkii 1956 ku dhashay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuu ku barbaaray Jowhar illaa dhalinyaro-nimadiisa kuna qaatay waxbarashadiisa Dugsigii Mishinka.
The post Cali Guudlaawe “C/raxmaan Xoosh Jibriil wuxuu ka mid ahaa Halyeeyada ay ku faanaan reer Jowhar” appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Cali Guudlaawe “C/raxmaan Xoosh Jibriil wuxuu ka mid ahaa Halyeeyada ay ku faanaan reer Jowhar”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.