Cali Guudlaawe oo booqday fariisimo ay ciidamada Xoogga ka sameysteen deegaano u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

0
331

jowhar Somali News Leader
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa maanta booqday fariisimo ay dhowaan ciidamada Milatariga ka sameysteen wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad.
Cali Cabdulaahi Xuseen Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeenka oo ka soo laabtay maanta booqasho shaqo oo uu ku joogay magaalada Muqdisho ayaa gaaray deegaanada Qalimow,Garsaale iyo Ceelka Geelow halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha ciidamada iyo ciidamada xoogga dalka ee deegaanadaas ku sugan.
Booqashada Kusimaha Madaxweynaha oo ay ku weheliyeen guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Cabdi Ciise,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan,guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa warbixin ka dhagaystey taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada Xoogga dalka General Maxamed Maxamuud Tredeshe iyo qaar ka mid ah saraakiisha horkacaysa ciidamada.
Ku-simaha Madaxweynaha Hirshabelle ayaa u mahadceliyay ciidamada xoogga dalka ee fariismaha ka sameystey deegaanadas. “Muqdisho intaan joogay waxaan sameynay abaabul ah sidii dib loogu furi lahaa wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad waana u guuleysanay wadadana waxaa lagu marayaa nabadgelyo iyo wanaag”ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Hirshabele Cali Cabdulaahi Xuseen.
Ku-simaha Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa u mahadceliyay ciidamada Milatariga oo suurtogeliyay in dib loo hanto ammaanka wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad.
Taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Maxamuud Tredeshe ayaa uga mahadceliyay Madaxda soo booqatay fariisimaha ay ciidamada xoogga dalka ka sameysteen ka sameysteen wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad.
“Waan ka mahadcelinaynaa dhiirigelinta aad u sameyseen ciidamada xoogga dalka waana sii wadi doonaa sidii aan uga xoreyn lahayn dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin,”ayuu yiri General Tredishe.
Qeybo ka mid ah wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyadoo ku weerarayay gaadiidka ciidamada.

#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item1 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/booqasho-jowhar-1-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item2 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/booqasho-jowhar-2-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item3 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/booqasho-jowhar-3-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item4 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/booqasho-jowhar-4-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item5 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/booqasho-jowhar-5-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item6 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/booqasho-jowhar-6-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item7 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/booqasho-jowhar-7-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item8 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/booqasho-jowhar-8-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item9 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/vlcsnap-2019-05-05-18h57m17s478-80×60.png) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item10 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/vlcsnap-2019-05-05-19h01m45s366-80×60.png) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ccf1a50eb734 .td-doubleSlider-2 .td-item11 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/05/vlcsnap-2019-05-05-19h35m50s191-80×60.png) 0 0 no-repeat;
}

Sawirada Booqashada Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle

1 of 11

The post Cali Guudlaawe oo booqday fariisimo ay ciidamada Xoogga ka sameysteen deegaano u dhexeeya Jowhar iyo Balcad appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Cali Guudlaawe oo booqday fariisimo ay ciidamada Xoogga ka sameysteen deegaano u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.