Cali Maxamed Geeddi“Dowlad maa la xaajooneysa shacab?!!!

0
240

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee dalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxana uu ka hadlay dhibaatooyinkii dalku uu soo maray iyo sida loogu baahan yahay dowladnimada.
Kulan lagu qabtay maanta magaalada Muqdisho kaasoo lagu taageerayay Madaxweyne  Farmaajo loogagana soo horjeeday mooshinka ayaa waxaa ka hadlay siyaasiyiin badan oo uu ka mid ahaa Cali Maxamed Geedi.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa hadal uu ka jeediyay kulankan waxa uu ku sheegay  in si loo helo dowladnimo dhib farabadan loo soo maray hase yeeshee hadda kadib aan la geli doonin tuugmo oo xoog lagu maquunin doono.
“Ayaamahan waxaan maqlaayay xan faro badan oo magaalada ku jirta, kacdoon hala sameeyo,jidadka hala xiro,Lugo baabuur ha la gubo,xaafadaha qaar hala qabsado, isbaarooyin ha la dhigo iyo qad cagaaran halaga sameeyo Xamar xantaas ayaan maqlayayee ma anaa waalan mise wax jira waaye.?”ayuu is weydiiyay Cali Maxamed Geedi.
Waxana uu Cali Maxamed ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya uu isugu jawaabay su’aashaas isagoo yiri;”Waa wax jira lama inkiri karo dadka waxaas ku hadaaqaya  waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo Shacab wadajira laguma aadee gurigooda ayaa loogu tegayaa.”
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa soo hadal qaaday xilligii ay dowladii uu madaxda ka ahaa ee lagu soo dhisay dalka Kenya ay Muqdisho imanaysay ay dad badan oo Soomaali ah ay ka horyimaadeen.
“Dowlad maa la xaajooneysa shacab?xoog baa lagu ilaalinayaa dhiig geesiyaal gabdho iyo rag ayaa lagu ilaalinayaa,”ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.
Tan iyo markii mooshinka laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa soo baxayay fikrado kala duwan oo ay siyaasiyiinta dalka ay ka jeedinayeen sida ay u arkaan mooshinka waxaana weli taagan khilaafkii ka dhashay mooshinka uu saxiixay guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo wararku ay sheegayaan inay socdaan wadahadalo lagu xalinayo khilaafka ka dhashay mooshinka.
 
 
 
 
 
The post Cali Maxamed Geeddi“Dowlad maa la xaajooneysa shacab?!!! appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Cali Maxamed Geeddi“Dowlad maa la xaajooneysa shacab?!!!

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.