CAMEEY oo jawaab siiyey Gaas: “Farmaajo iyo Kheyre magacooda kaliyaa aqaan”

0
216

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa markale ka jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas.Mr Cameey ayaa ka jawaabay eedeyn maalmihii ugu dambeeyay kaga imaaneysay madaxweyne Gaas oo aheyd inuu xiriir toos ah kala dhaxeeyo madaxda dowladda Soomaliya oo dhaqaalo ay ku taageeraan.Wuxuu sheegay in madaxweyne Gaas uu ka shaqeeyay marar badan sidii uu shacabka kaga gadi lahaa in isaga “Cameey” uu taageero dhaqaalo ka helo Dowladda Dhexe, wuxuuna sheegay in Puntland ay u aasaasan tahay inay taageerto dowladda Dhexe ee dalka.Mr Cameey, ayaa tilmaamay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre kaliya uu magac ahaan u yaqiinay markii uu la safanayay xiligii adkaa ee khilaafka uu ka dhashay arimaha Carabta iyo shirarkii maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay inaysan jirin xiriir Hoose uu madaxda kala dhaxeeyay.Camey ayaa dafiray in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay siiso dhaqaalle si uu kaga horjeeddo Madaxweyne Gaas markii la aasaasayay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.Sideeda Bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waana sababta keenaysa in ruux kastaa uu eedeyn iyo jawaab bixiyo.Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com




SOURCE: CAMEEY oo jawaab siiyey Gaas: “Farmaajo iyo Kheyre magacooda kaliyaa aqaan”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.