CAMEY oo banaanka soo dhigay sababta ugu weyn ee diidan nabadda Tukaraq

0
66

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar (Cameey), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta hortaagan in xal waara  laga gaaro colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Cameey, waxa uu sheegay in marka hore Puntland aysan ka sabri doonin deegaanada ka maqan ee kujira gacanta Somaliland.
Camey, waxa uu sheegay in mar walba Somaliland ay ku celceliso Nabad,hase yeeshee aysan dhab ka aheyn in Nabad laga gaaro colaada iyo dhiiga ku qubanaayo deegaanka Tukaraq.
Camey, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee hortaagan xal u helida colaada Tukaraq ay tahay in Somaliland ay adduunka ku indha sarcaadiso inay dooneyso Nabad, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in haddalka Somaliland uu yahay mid qoor qabad ku ah.
Waxa uu tilmaamay in Nabadda deegaanka Tukaraq aysan aheyn mid ku imaaneysa haddal kasoo yeeray af oo aan ficil laheyn.
Intaa waxa uu raaciyay in Somaliland ay ku doodeyso in dhul uu siiyey Ingiriiska,taasina ay tahay wax lala yaabo oo hortaagan xalka Tukaraq.
Sidoo kale, deegaanka Tukaraq ayaa weli waxaa ka jira xiisad u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somliland kaasi oo aan wali loo helin xal.
Haddalka Camey ayaa u muuqda eedeyn ku foorarta Somaliland oo intabadan ku celcelisa Nabad iyo wada noolaanshi.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: CAMEY oo banaanka soo dhigay sababta ugu weyn ee diidan nabadda Tukaraq

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.