CC Shakuur: Fashilka DF waxaa sababay hal arrin oo ay iska indho-tirtay

0
190

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku sugan dalka Norway ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay ku fashilantay kasbashada dadka shacabka ah.
CC Shakuur waxa uu sheegay inaanu jirin xiriir sidaa usii fog oo dowlada Somalia kala dhexeeya dadka shacabka ah waxa uuna arrinkaasi ku sheegay mid khatartiisa leh.
Mar uu CC Shakuur u waramaayay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga, ayuu cod dheer ku sheegay inuu jiro mugdi u dhexeeya dowlada iyo shacabka, isagoo ku baaqay inay isdabaqabato dowlad.
CC Shakuur, waxa uu carab dhabay in kalsooni darada ka dhex taagan dowlada iyo shacabka ay sababtay in dadka shacabka ah ay Garsoor u raadsadaan dhinaca maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Waxa uu CC Shakuur arrin aad khatarteeda u leh ku sheegay in dowlada Somalia oo leh Hay’addo Garsoor ay shacabka Garsoor u doontaa deegaanada ay heystaan Shabaabka.
Waxa uu yiri “Wax xiriir ah dowlada Somalia kalama dhexeeya shacabka, hadii uu jiri lahaa xiriir shacabku Al-Shabaab uma doonteen garsoor”.
CC Shakuur, ayaa sheegay inaanu jirin cadaalad ka dhex jirta xarumaha dowlada Somalia, waxa uuna carab dhabay in dowladu ay ku fashilantay dadaalkii ay ku nabadeyn laheed Somalia.
Haddalka CC Shakuur ayaa u muuqanaaya mid uu uga faa’iideysanaayo dhibaatooyinka amni darro ee wali ka dhex jira dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: CC Shakuur: Fashilka DF waxaa sababay hal arrin oo ay iska indho-tirtay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.