CC Shakuur: Nuxurka war-murtiyeedkii Kismaayo waa inaysan Somalia ka jirin dowlad lala shaqeyn karo

0
306

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi si weyn uga soo horjeedo siyaasadda Dowladda Soomaaliya ayaa farriin kasoo gudbiyey war murtiyeedkii ay Maamul Goboleedyada kasoo saareyn shirkii Maanta ugu soo dhamaaday Magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubblanad.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in nuxurka war murtiyeedkaas uu yahay inaysan dalka ka jirin dowladda lala shaqeyn karo.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Cabdiraxmaan soo dhigay Bartiisa Facebook.
War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Kismaayo waxaa lagu sheegay in wadashaqyntii dawlad goboleedyada iyo dawlada federalka joogsatay , inta xal laga gaarayo khilaafka iyo is faham la’aanta. Waxayna Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqeen in khilaafka la xaliyo, lana helo roadmap lagu dhamaystiro hawlaha qabyada ah, kaa soo leh damaanad qaad (guarantor). Waxaana lagu baaqay shirwayn qaran oo Garawe lagu qabto bisha soo socota.
War- murtiyeedka oo lagu qoray luqad aan xanaf lahayn, laakiin nuxurka fariintu ay tahay dawlad lala shaqayn karo dalka kama jirto, ayaa Dawlada Federaalka ah lagu eedeeyey in ay sabab u tahay fashalka dhinaca amniga iyo siyaasada. Waxay kaloo dawlada federaalka lagu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn la dagalaanka Alshabab, iyadoo hay’adii Nabadsugida, Garsoorkii, Xeer Ilaalintii iyo Hanti dhowrkii u adeegsaday dano siyaasad, sirta dawlada Soomaaliyeedna la wadaaga ajnabi.
Waxay kaloo ku eedeeyeen dawladu in ay faragelin gurracan ku hayso dawlad goboleedyada, colaadna ka huriso deegaanada qaarkood, taasoo daliil u ah in ay soo horjeedo nidaamka Federaalka tuhunkaas oo ay Soomaali badan iyo Beesha caalamkuba la qabaan.
Waxaa muuqata in ay tani tahay dharbaaxadii ugu wayneed ee soo gaarta dawlada Federaalka ah, sababtoo ah wadashaqaynta labada dhinac ayaa halbeeg u ah horusocodka dawlada Somaaliya, maadaama Dawlad Goboleedyada ay yihiin saamileey siyaasadeed ( political stakeholders) shirko (partner) la ah dawlada Federaalka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




SOURCE: CC Shakuur: Nuxurka war-murtiyeedkii Kismaayo waa inaysan Somalia ka jirin dowlad lala shaqeyn karo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.