CC Shakuur oo shaaciyay cida fududeysay Qaraxyadii maanta ka dhacay afafka hore ee Villa Somalia

0
165

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maanta ay Qarxyo culus ka dhaceen meel aan sidaa uga sii fogeyn Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa ka hadlay Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan C/shakuur.
Cabdiraxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Qaraxyada ay magaalada Muqdisho ka geystaan Al-Shabaab ay fududeeyan ciidamada Xasilinta, sida uu hadalka u dhigay.
CC Shakuur, oo u waramaayay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in ciidamada xasilinta ay kaalin weyn ka geystaan Qaraxyada ay fuliso Shabaab.
CC Shakuur oo ku sugan dalka Norway ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn haddii aysan Al-Shabaab taageerayaal ku dhex lahayn ciidamada dowlada inay gaaran xarumaha halbowlayaasha dowlada.
Siyaasigan mucaaradka ah ayaa wax aan suuragal aheyn ku sheegay in Qaraxyo iyo weeraro toosa ay ka dhacaan meel aan ka fogeyn Xarunta Villa Somalia, xili ciidamada ugu badan ay yihiin kuwo ku sugan Madaxtooyada.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Shabaab waxa ay ku dhex leeyihiin hay’adaha nabadgelyada taageero xoog leh waxayna ku dhex leeyihiin dad u sahla inay gaaran xarumaha halbowlayaasha dowlada.”
Sidoo kale, CC Shakuur ayaa ku tilmaamay ciidamada xasilinta ee magaalada Muqdisho ka howlgala inay yihiin ciidamo aan sax ahayn oo aysan ku jirin heshiisyadii ay gaareen dowlad goboleedyada iyo xisbiyada dalka.
Dhinaca kale, CC Shakuur ayaa cod dheer ku sheegay in dowlada federalka ah ee Somalia aysan haysan kalsoonida shacabka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: CC Shakuur oo shaaciyay cida fududeysay Qaraxyadii maanta ka dhacay afafka hore ee Villa Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.