CC Shakuur oo sheegay waxay ka dhigan tahay Iscasilaadii Madaxweynihii KG Shariif Xasan

0
259

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur oo siweyn u mucaaradsan dowladda talada haysa ayaa bixiyay waxa ay ka dhigan tahay iscasilaadii shalay uu ku dhawaaqay Shariif Xasan Sheikh Aadan.Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasiyigii Afaraad oo awood, dhaqaale iyo waqti lagu bixiyo si xilka uu kaga tago, maadaama uu si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.Waxaa ka horeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble, Taabid Cabdi Maxamed iyo Maxamed Cusmaan Jawaari oo uu sheegay in dhamaantood awood dhaqaale iyo ku takri fal hantiyadeed xilka looga qaaday.“Shariif Xasan Sh Aadan waa siyaasiyigii afaraad oo iyadoo lagu takri falayo awooda, hantida iyo waqtiga qaranku leeyahay xilka laga tuuro. Cali Cosoble, Taabit Abdi, iyo Jawaari ayaa ka horeeyey. Caqliga oranaya hadii aad iga aragti duwan tahay xilkaan kaa tuurayaa, ama waan ku weerarayaa, amaba aflagaadaan kuu miisayaa ee dhaqanka u noqday kooxda talada haysa, ma aha oo keli ah in umadda uu ka khasaarinayo xoog, hanti iyo waqti ee wuxuu dhaawacayaa kalsoonidii iyo is-aaminkii shacabka ee sanidihii tegey geedi socodka gaabiska ah lagu soo dhisay”“Waxaa shaki lahayn in kooxdani xili ay tabar beeleen ay ka qoomamayn doonaan fal kasta oo maanta guul ugu muuqda markii ay maciin bidaan ragii ay is lahaayeen siyaaasada ayaad ka bixiseen ama waayahoodii u shalaayaan. Waxaa kaloo iyana hubaal ah in xadigga saamaynta khasaaraha iyo dhaawaca ay geysanayaan uu la ekaan doonto hadba inta uu fal celiskeenu yahay. Haddaba waa waajib Diini, Wadani, akhlaaqi ah oo dhamaanteen ina saaran in aan wiilashan xuurtaysan gacmaha qabano”Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: CC Shakuur oo sheegay waxay ka dhigan tahay Iscasilaadii Madaxweynihii KG Shariif Xasan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.