CC Shakuur war baan kuu hayaa (Shimbirkii ka haray kuwii kasoo duulay Yurub)

0
295

Qaab dhismeedka bani’aadamka waxaa ugu muhiimsan MADAXA, oo hadii uu wareero Qofku waxaa lagu tilmaamaa in uu waalan yahay,sidaas ayaa loo yiraahdaa ALLOW MADAXA NOOGA ILAALI.Waxyaabaha ugu daran ee qofka wareeriyo waxaa ugu horeeya MASEYRKA, oo hadii uu maseyr ku galo waxaad tahay uun Qof waalan. Dawadaaduna waa in aad hesho ama ka guuleysato wixii maseyrka keenay, taasina hadda ma muuqato waxeyna u baahantahay in waqti la siiyo.Hadaba, Hadii aad la yaabanyahay, Wanaaga ay wax ku socdaan, iyo halbeega cabirkiisu aqligaaga ka weyn yahay, waa barnaamuj aad looga fakaray laguna fariisiyey siyaasad xeeldheer oo aan horey looga baran Geeska Afrika. Balse waxaa jira tabo badan oo lagu aarsado, ma aha oo kaliya in aad noqoto mid ku jahawareersan wadadii uu u mari lahaa hadafkiisa,iyo waliba in aad jawaab ka bixiso hadal walba oo soo yeera.TANI WAA XIKMAD aan is leeyahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur  wey anfaceysaa:– Waa baa waxaa jiray  shinbiro ku noolaa wadamada qabow sida Yurub, waqtiga winterka ama qaboobaha waxey soo aadi jireen Afrika, shimbir ka mid ah shibirihii ayaa go’aan saday in uu waqtiga qaboobaha joogo  Yurub oo uusan ka soo tagin.Kadib waxaa dhacay in Barafkii soo daatay, Baalashiina ay ka qoyeen, kadibna waxa uu ku soo dhacay dhulka, Sac meel ku xiran hoostiisa ayuu ku dhcay, Sacii ayaa Xaarweyn dusha ka saaray shimbirkii.Shimbirkii wuxuu ku fakaray in ay u dhamaatay oo uu dhimanayo, balse Xaarkii wuxuu ka helay diirimaad iyo kuleyl. Kkadibna inta uu madaxa la soo baxay ayuu wuxuu bilaabay in uu qayliyo ama hadaaqo, bisad weyn ama Yaanyuur meesha mareysa ayaa dhawaaqii maqashay inta ay ku soo leexatay ayey ka soo saartay Xaarkii weynaa ee uu shimbiku ku dhexjiray, kadibna wey cuntay.Hadaba maxey tahay xikmadda qoraalkan yar.1 – Go’aanka aad qaadato yuusan noqon mid dadka kaa reeba. (Waayo shimbika wuxuu qaatay go’aan ka reebay shimbihii kale).2 – Hadii qof dhib kuu geysto ha u qaadan in uu yahay cadowgaaga (waayo Saca xaarweyn ayuu dusha ka saaray shimbirta balse diirimaad bay ka heshay oo cadowgeeda ma aheyn).3 – Qof walba oo adigoo murugeysan ama dhib ku jira kaa soo saaro ha u qaadan in uu yahay saaxiibkaa.waxaa laga yaabaa in uu cadowgaaga noqdo (waayo Bisadii ama mukulaashii markey ka soo saartay Xaarkii weynaa ee shinbirta dusha ka saarnaa ma noqon saaxiibkeed ee waxey noqotay cadow weyna cuntahay)Habada, hadii aad meel wanaagsan dooneyso aamusnaantaada ha badato, oo afkaaga xir. (If you’re warm and happy in a pile of shit, keep your mouth shut.)W/Q: Eng. Bashir Hassan Farah bashkaxaji@hotmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid 




SOURCE: CC Shakuur war baan kuu hayaa (Shimbirkii ka haray kuwii kasoo duulay Yurub)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.