CEEB: Dagaalkii UAE & Sucuudiga Kula Jireen QATAR Oo Ceeb Dhalay Iyo Ficilkii Shalay Ka Dhacay Garoomada Oo Fadeexad Noqday

0
47

Dalka Qatar ayaa shalay 4-0 ku xasuuqay Imaaraadka Carabta oo martigeliyey tartanka Asian Cup, waxaanay guushaas ugu soo baxeen finalka tartanka oo ay wada ciyaari doonaan Japan oo soo reebtay Iran.
Dalka Qatar ayaa waxa uu wareeggii koowaad si xun ugu karbaashay Sucuudiga, waxaana uu kaalinta koowaad kaga soo baxay hormadii ay ku wada jireen.
Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo sidoo kale dalal Carbeed oo khaliijka ku yaalla ayaa go’doomin ku haya Qatar, waxaanay ku haystaan ee ugu weyn warbixino ay dhibsadeen oo telefishanka Aljazeera ka baahiyey, waxaanay ka dalbadeen lacag badan oo ay ku tilmaameen ganaax si ay go’doominta uga qaadaan, taas oo Qatar ay iska diiday inay bixiso.
Lacagta oo kaliya maaha shuruudaha ay Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo kaashanaya Carabta kale ay ka dalbadeen Qatar, hase yeeshee waxa kale oo la socday qoddobbo kale oo sharafta dalkaas meel ka dhac ku ah.
Sidaas oo ay tahay ayaa waxa soo galay tartanka Qaramada qaaradda Asia oo lagu qabtay Imaaraadka, waxaana Qatar ay Sucuudiga iyo UAE ba kaga aargsatay garoomada gudaheeda oo ay si xun ugu xasuuqday.
Kulankii ugu dambeeyey ee shalay ay kaga guuleysatay Imaaraadka, waxa ciyaartooyada Qatar lagula kacay fal ceeb ah oo ay ku sameeyeen taageereyaasha Imaaraadku, kuwaas oo kabo ku tuuray ciyaaryahannada oo garoonka ku jira.

Dhaqankan oo marar badan lagu arkay dalalka Carbeed amaba marka ay cadhoodaan ay sameeyaan, ayaa waxa uu indhaha kusoo jeediyey sida ay u liidato dadnimada dalalkaas oo xattaa garan waayey inay kabaha kala xishoodaan ciyaartoyga.
Dalka Qatar ayaa waxa uu sannadka 2022 martigelin doonaa Koobka Adduunka, waxaana ka qayb-geli doona waddamo ay ku jiraan Sucuudiga oo tegi doona, hase yeeshee wixii shalay dhacay ayaa lagu tilmaamay ceeb ku cusub garoomada.
The post CEEB: Dagaalkii UAE & Sucuudiga Kula Jireen QATAR Oo Ceeb Dhalay Iyo Ficilkii Shalay Ka Dhacay Garoomada Oo Fadeexad Noqday appeared first on Latest football news.




SOURCE: CEEB: Dagaalkii UAE & Sucuudiga Kula Jireen QATAR Oo Ceeb Dhalay Iyo Ficilkii Shalay Ka Dhacay Garoomada Oo Fadeexad Noqday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.