CHALSEA OO DIB U SOO CELINAYSA TABABARE HORAY USOO LAYLIYAY WAA KUMA TABABARAHAASI?

0
222

Kooxda chalsea wali kama aysan quusan in aad u raadiso tababare ay si rasmi ah ugu badasho Antonio Conte oo aysan maamulka ku qanacsanayn Habka uu wax u wado.

Dhawaanahan waxaa la warinayay in Badalka Antonio Conte laga dhigi doono Macalinkii kooxda Napoli Mourizio Sarri balse hada waxaa soo baxaya sheekooyin taa ka duwan.

Maamulka Kooxda ayaa waxaa ay u jihaysteen in ay keenaan garoonkooda laba Tababare midkood.

Midka koowaad ayaa ah Laurent Blanc oo horay usoo maamulay PSG in mudo ahna Baagamuundo ah.

Iyo Ninka Srael kasoo jeeda ee horay kooxda Tababare ugu soo noqday Avram Grant.

Labadan tababare midkood ayaa la saadaalinayaa in uu hogaamin doono chalsea inkastoo ilaa haatan uusan shaqo ka tagis ku dhawaaqin Macalin Antonio Conte.

Waxaa si wayn loo wada fahan san yahay in xiriir maamulka sare ee chalsea iyo Conte uu marayo meeshii ugu xumayd ayna tahay sababta ay wali u raadinayaan badalkiisa.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.