CHALSEA OO HAL TALAABO U JIRTA IN AY WAYSO BADALKA ANTONIO CONTE OO AY SAXIIXIISA AAD UGU DHAWAYD.

0
167

Sida ay daabacayaan qaar kamid ah warbaahinada kasoo baxa England ee wax ka qora Arimaha Ciyaaraha kooxda Chalsea waxaa ay si dhab ah ugu fashilmi kartaa in ay soo xero geliso macalin maurizio sarri oo ay si wayn ugu dhawayd.

Wargayska Express Sport ayaa waxaa uu daabacay sheeko ku aadan in ay suuro gal tahay in ay Bur Buraan wadahadalada labada dhinac ay isugu soo dhawaanayeen waxaana uu sababta Fashilka Heshiiskaasi Dusha uga tuuray Madaxwaynaha  kooxda Napoli Aurelio De Lourentiis.

Aurelio De Lourentiis oo ah madaxwaynaha kooxda Napoli ayaa waxaa si cad uu ugu sheegay Chalsea in aysan fuduudaan Karin dhaqaalaha ay ku doonayaan in ay ku qaataan Macalin maurizio sarri sikasta oo ay wada xaajood u galaan.

Mar uu arintaan warbaahinta si faah faahsan uga waramayay ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”Qiimaha lagu kansali karo heshiiska maurizio sarri ayaa ah mid Go’aan looga gaaray markii uu saxiixay heshiiska cusub islamarkaana mushaar kordhin loo sameeyay,sidaa darted waa in lacagaha loo bixiyaa sida waafaqsan Heshiiska.

maurizio sarri ayaa xili ciyaareed aad u qurux badan waxaa uu ku hogaamiyay kooxda Napoli maxaa yeelay waxaa si wayn xifaaltan adag ay ula galeen Juventus oo gacanta ku dhigtay Horyaalka iyadoo macalinkaan talaabadaasi uu ku mutaystay in Kooxda ay Aaminto in waxqabad wanaagsan uu leeyahay.

Chalsea ayaa waxaa qorshaheeda uu ahaa in meesha ay ka saarto Conte oo ay u aragto in sidii loo baahnaa uusan  kooxda u hogaamin Xili Ciyaareedka Dhawaan soo idlaaday inkastoo koobka F A Cub-ka uu hantay hadana wali ma dhamaan Cadaadiska Dhinaca Maamulka uga imaanaya.

Waxaa horay uu u sheegay Antonio Conte in uu sii joogi doono Stamford Bridge uuna kooxda sii hogaamin doono Xili Ciyaareedka nasoo aadan.

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.