CHALSEA OO HESHAY BADALKA TABABARE ANTONIO CONTE.

0
156

Mudooyinkaan waxaa si wayn loo hadal hayay in Tababare Antonio Conte uu isaga tagi doono kooxda Chalsea kadib cadaadis aad u badan oo maamulka kooxda ay  saareen kaa oo Quseeya hanaanka uu ku waday dhawaanahan howl maalmeedkiisa.

Maamulka sare ee kooxda ayaa waxa ay Raadin xoogan ugu jiraan Macalin badali kara Antonio Conte waxaana haatan ay ishaarteen Macalinka kooxda Tottenham Mauri Pochettino.

Pochettino ayaa haatan ah ninka kaliya ee loo saadaalin karo qabashada jagadaasi xirfad wanaagsana leh.

Macalin Antonio Conte ayaa waxaa kaliya  uu sugayaa inta kooxdiisa ay kasoo muuqanayso ciyaarta Finalka ah ee FA Cup oo ay wajihi doonaan Manchester United.

Macilnka Tottenham  Mauri Pochettino kooxda waxaa uu kula jiraa heshiis uu ka harsan yahay ilaa 3dex sano balse waxaa muuqanaysay mudooyinkaan dambe in uusan ku sii qanacsanayn sii joogista garoonka Naadigaasi.

Conte oo Xili ciyaareedkii hore ka caawiyay Chalsea in ay sameeyaan Bandhig la yaab leh ayaa waxaa xili ciyaareedka maalin ka hor dhamaaday uu dhexda ka galay fashil aad u wayn.

Kooxdiisa ayaanan aadi doonin Tartanka Chamions Leage maadaama uu awoodi waayay in uu ku hogaamiyo afarta koox uu ugu saraysa Kala Horaynta Horyaalka Premier Leage.

Hadii uu Conte si rasmi ah shaqada isaga casilo chalsea ayaa waxaa suuro gal noqon karta in ay mudo ku qaadato la qabsashada nidaamka cusub ee uu Tababaraha cusub la imaan doono.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.