CHALSEA OO U DHAQAAQDAY SAXIIXEEDA 1AAD OO JOOGA BAYERN MUNICH BALSE CAQABADO WAA WAYN AYAA KU HOR GUDBAN.

0
152

Kooxda Chalsea ayaa waxaa ay bilaawday dadaalo ku aadan in ay soo xero geliso Bartilmaameedkeeda koowaad ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda waana xidig u ciyaara kooxda Bayern Munich.

Antonio Conte ayaa in mudo ah isha ku hayay gool dhaliyaha kooxdaasi Bayern oo lagu magacaabo Robert Lewandowski waxaana uu doonayaa hadii saxiixiisa uuu ku guulaysto in uu ku dagaalamo xili ciyaareedka nasoo aadan.

Robert Lewandowski ayaa waxaa uu kamid yahay xidigaha Gool dhalinta ku wanaagsan ee ku jira Suuqa waxaa uu aad doonayaa in uu isaga tago Bayern Munich balse in mudo ah waxaa la fahansanaa in ay suuro gal tahay in uu u dhaqaaqi doono  Real Madrid hase ahaatee hada waxaa soo baxaysa in Naftad ahaantiisaba uu doonayo in uu kasoo muuqdo horyaalka Premier Leage taa oo fursad gooni ah siin karta Chalsea.

Chalsea ma samayn Bandhigii laga filayay Xili Ciyaareedkan inkastoo ay ku guulaysatay F A Cup hadana waxaa fashil wayn kasoo gaaray Horyaalka Premier Leage oo kaalinta 5aad ayay ku dhamaysatay.

 

CAQABADAHA KOOXDA HAYSTA.

Arinta kale ee sida wayn laysugu haysto Aadna halista u ah ayaa ah in dowlada ingariiska ku amartay Milkiilaha kooxda Chalsea Roman ibramovic in uu si rasmi ah u soo cadeeyo halka rasmiga ah ee ay kasoo gashay Hantidiisa waxaana loo saba been karaa arintaan Xiriirka aadka u sii xumaanaya ee u dhaxeeya Rusia iyo Ingariiska.

Warbaahinada qaar ayaa waxaa ay sii ogaayeen in chalsea qorshaheeda ugu horeeya kusoo xero gelinayso xidigan Gool Dhalinta ku wanaagsan waxaana u jeedku uu yahay in weerarka kooxda wax badan laga badalo.

Sidoo kale mush kIladaha lasoo warinayo ee haysta kooxda Chalsea ayaa ah in Conte hadii uu ka tagayo kooxda uu doonayo in lasiiyo magdhaw ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Gini taa oo ay suuro gal tahay in kooxda gabi ahaanba aysan diyaar u ahayn in ay bixiso lacagahaasi.

Markaan dib ugu laabano qorshaha kooxdan ee Robert Lewandowski ayaa kusoo aadaya xili Alvaro Morata uu fashil aad u xun ka taagan yahay booskii uu ka baxay xidigii Diego Costa halka sidoo kale uu soo baxayo Khilaaf aad u wayn oo u dhaxeeya Morata iyo Conte.

Markaan isku soo wada xeerino wali Chalsea waxaa ku hareeraysan Caqabado aad u waa wayn oo ka hor is taagi kara in suuqa ay gasho.

si caqabadaas aynu kor kusoo xusnay uga gudubto kooxda waxaa ay u baahan tahay marka 1aad ay xal waara ka gaarto arinta Conte ee ah in uu tago ama uu sii wato shaqadiisa.

In Dowlada ingariiska cadaadiska ay dul dhigtay milkiilaha kooxda la xaliyo iyadoo qab Diplo maasiyadeed la adeegsanayo.

Iyo in Xidigaha aanan ku qanacsanayn kooxda joogsiteeda laga dhaadhiciyo in ay kooxda sii joogaan iyadoo laga qancinayo Tabashooyinkooda.

Hadii intaas oo Qodob wax ka qabtaan maamulka Chalsea waxaa loo badaniyaa in is badal wanaagsan kooxda samayn karto dhinaca suuqa.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.