Ciidamada amaanka oo qabtay rag Al Shabaab ka tirsan Qaraxyo iyo Saanad ciidan

0
39

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha Qarxa, Shaqsiyaadkii diyaarinayay iyo saanad ciidan.Howlgal ciidamada amaanka ay ka  sameeyeen deegaanka Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa lagu qabtay labo ruux oo katirsan Al Shabaab, Qaraxyo ay farsameyayeen iyo saanad ciidan.Bogga Twitter-ka ee NISa ayaa lagu shaaciyay in dadkaasi ciidamada ay kusoo qabteen howlgal qorsheysan oo ciidamada amaanka ay ka sameeyeen deegaanka Caanoole oo duleedka degmada Afgooye.Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dadkaasi xabsiga la dhigay, sidoo kale waxaa jira tuhuno la xiriira qaraxyo iyo xubno Al Shabaaba ah oo lagu raadjoogo.NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed oo Al Shabaab ay waxyeeleeyaan, sida qoraalka ku xusan.NISA ayaa todobaadkaan oo kaliya shaaciyay in lasoo qabtay xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab, Qaraxyo iyo saanad ciidan.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Ciidamada amaanka oo qabtay rag Al Shabaab ka tirsan Qaraxyo iyo Saanad ciidan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.