Ciidamada DF oo hilibkii ugu badnaa oo loo waday X/Weyne ku Xayiran SANCA+ Sawirro

0
210

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku xayiray muddo saacado isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho hilib badan oo lagu waday gaari HOMEY ay oo kusoo eeday degmada X/weyne ee gobolka Banaadir.Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in darawalka Gaariga ay ka qaateen Furaha uu watay, waxayna dhalisay in muddo uu ku xayirnaado goobta gaariga, waxaana la sheegay in markii dambe wadahadal dheer ah kadib lasii daayay gaariga.Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay gaariga kaga shakiyeen in waxyaabaha qarxa lagu qariyay, taasi oo keentay in muddo uu ku xayirnaado gaariga isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.Gaariga ayaa waday Hilibka Geella oo lagu soo hagaajiyay Kawaan Bari oo ku yaala waqooyiga Muqdisho, waxaana uu ku wajahnaa Suuqa degmada X/Weyne ee gobolka Banaadir.Tan iyo markii la adkeeyay amaanka caasimada waxaa dhagxaan cusub la dhigay Isgoyska Sanca, waxaana loo ogaala kaliya inay kasoo gudbaan gaadiidka ay wataan madaxda dowladda Soomaaliya.Gaadiidka Khudaarta keeno magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dhibaatadaan oo kale kala kulma isgoysyada magaalada Muqdisho oo la dhigay ciidamo badan oo xaqiijinaya amaanka caasimadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Ciidamada DF oo hilibkii ugu badnaa oo loo waday X/Weyne ku Xayiran SANCA+ Sawirro

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.