Ciidamada Dowladda oo biliqeystay qalabkii yaalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0
280

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee shalay galay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa biliqeystay qalabkii yaalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Sida uu Caasimadda Online u sheegay mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha isla markaasna kamid ahaa dadkii laga qaatay qalabka ayaa sheegay inay Ciidamada Dowladda ku dhaqaaqeen tallaabo laga xumaado.
Wuxuu sheegay inay Ciidamada Dowladda Qaateen Computeradii Wasaaradda yaalay iyo moobeeladii ay ka carareen Shaqaalihii dowladda.
” Ciidamada Dowladda ayaa qaatay inta badan Computeradii yaalay Wasaaradda gaar ahaan Laptobyadii, sidoo kale waxay qaateen dhammaan moobeeladii ay shaqaalaha ka carareen intii uu socday dagaalka” ayuu yiri mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda.
Ciidamada Dowladda ayaa Shalay galay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kadib markii maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen xarunta iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay inay dileen Maleeshiyadii.
Arrintaan biliqada ah ayaa mar kasta ka dhacdo goobaha ay Al-Shabaab soo wareeraan waxaana jiro ciidamo meelahaas u tago kaliya sidii ay xoolo uso oqaadan lahaayeen.
Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidamada weli ma aysan ka hadlin arrintaan foosha xun ee ka dhacday Wasaaradda dhexdeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Ciidamada Dowladda oo biliqeystay qalabkii yaalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.