Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Hiiraan

0
356

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa AMISOM ay la waregeen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.
Ciidamadan oo shalay ka baxay magaalada B/weyne ayaa aaday dhanka wadada isku xirta magaaladaas iyo degmada Buulo-burde, waxaana jiray dagaallo kooban oo ay kala kulmeen Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay in ciidanka ay maanta la wareegeen deegaannada kala ah Baardheere iyo Nuur Fanax ee gobolka Hiiraan.
Waxaa jiray qaraxyo lala eegtay gaadiidka la socdeen ciidamada dowladda ee howlgalladan wada balse lama oga khasaaraha ka dhashay halkaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News




SOURCE: Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Hiiraan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.