Ciidamada Kenya oo laga saaray Kismaayo iyo Ethiopian la wareegay amaanka magaalada

0
176

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay isaga baxeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, sida xogaha aan ku heleyno.Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo Ethiopian ah oo ku sugnaa  magaalada Kismaayo inay la wareegeen amaanka garoonka, iyadoo aanan la ogeyn sababta ciidamada Kenya ay kaga baxeen.Balse warar aan heleyno ayaa sheegaya in amarka ciidamada Kenya ay kaga baxeen garoonka diyaaradaha inay bixiyeen taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamada Kenya laga saarayo guud ahaan Jubbada Hoose.Sidoo kale waxaa soo baxaya in ciidamada Kenya saaka laga saaray saldhig ay ku lahaayeen Jaamacadda magaalada Kismaayo iyo saldhigyo kale oo ku yaala Jubbada Hoose.Magaalada Kismaayo waxaa ku kulmay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia hogaaminayo, iyaga oo ka wada hadlay amaanka garoonka in si weyn loo adkeeyo, islamarkaana musharixiinta la tartameysa madaxweyne Axmed Madoobe ay si nabad ah ku tagaan magaalada Kismaayo.Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo ka dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulka Jubbaland, waxaana qorshaha uu yahay inay adkeeyaan amaanka guud ahaan magaalada KIsmaayo.Tallaabadaaan Ciidamada Ethiopia ay kula wareegeen Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan Garoonka Kismaayo ay ku dagaalameen Ciidamo uu wato musharax Cabdi Naasir Seeraar iyo ilaalada Garoonka,waxaana musharixiinta qaarkood ay Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeynayaan in uu caburin ku haayo.Xogaha kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay Maanta tagayaan Magaalada Kismaayo, iyaga oo la kulmi doonaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Ciidamada Kenya oo laga saaray Kismaayo iyo Ethiopian la wareegay amaanka magaalada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.