Ciidamada Nabad Sugidda oo howlgalo ka fuliyay degmada Beled Xaawo

0
6

Wararka ka imanaya magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ay howlgal gaar ah ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaalada Beled Xaawo iyo deegaan u dhow.
Howlgalkan ayaa lagu soo qabqabtay rag lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab iyo weliba dad kale oo ka ganacsanayay maandooriyaha xashiishada.
Taliyaha Nabadi Sugidda ee Gobolka Gedo Cali Deyr ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen gudaha Magaalada BeledXaawo iyo Tuulada Hareen Tuurre halkaas oo lagu qabtay nin dhuumaleysi ku joogay lana tuhmayo in uu ka tirsanyahay Al-shabaab.
Sidoo kale afar ruux oo ka ganacsanayay maandooriyaha xashiishada ayaa la soo bandhigay iyadoo taliyaha ciidamada nabad sugida Beled Xaawo uu sheegay in maxkamad la horgeyn doono.




SOURCE: Ciidamada Nabad Sugidda oo howlgalo ka fuliyay degmada Beled Xaawo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.