Ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

0
51

jowhar Somali News Leader
Howlgal qorsheysan oo ay qaadeen ciidanka xoogga dalka ayaa waxay kula wareegeen deeganao iyo tuulooyin hoos-taga degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay inay dib ula wareegeen deegaanka Leego, Yaaqbari weyne iyo tuulada Madax Maroodi oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad ee ka tirsan qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Col. Maxamed C/llaahi Caraale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanada Leego, Yaaqbari weyne iyo madax maroodi.
Waxaa uu sheegay in howlgalka ay ku dileen illaa 15 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, ayna ku gubeen gaadiid ay wateen, sida uu hadalka u dhigay.
Howlgalka Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weeraro cirka ah oo Mareykanka ku taageerayaan.
Deegaanka Leego ayaa sanado ka hor waxaa la wareegay Al-Shabaab, kaddib markii ay isaga baxeen xeradaas Ciidamada AMISOM ee ka tirsanaa Burundi, kaddib markii sanadkii 2015 Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero ay degenaayeen ciidankaas.
The post Ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose appeared first on Jowhar.




SOURCE: Ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.