Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Gaaray Deegaannadii Lagu Dagaallamay Ee Sool

0
338

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo doonaya iney kala dhexgalaan beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolkaasi.
Ciidamadan ayaa tagay sida la sheegay deegaannada Dhumay iyo Saax-dheer, halkaasi oo dagaallo culus ay ka dhaceen.
Waxay ciidamadaan la socdaan Garaad Kulmiye oo ah nabadoonka Somali State oo dhowaan isna yimid gobolka Sool si nabad loo kala dhex-dhigo beelahan.
Dhowaan ayeey ahayd markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay iney soo dhoweynayaan cid walbo oo nabad ka dhex dhalineysa beelahan ku dagaallamay Sool.
Goobjoog News




SOURCE: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Gaaray Deegaannadii Lagu Dagaallamay Ee Sool

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.