Ciidanka DFS Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Qoryooley

0
357

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay iney weerar kusoo qaadeen degmadaasi, waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ku sugan.
Labo qof oo la sheegay in mid uu ka mid ahaa dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ayaa halkaasi ku dhintey, waxaana dhaawacmay qof kale.
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in dhankooda aanu khasaare jirin, ayna dib u eryadeen Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maanta xaaladdu tahay mid deggan, wallow ay ciidanka DFS wadaan howlgal ballaaran.
Goojoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Ciidanka DFS Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Qoryooley

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.