Ciidanka dowladda oo soo afjaray weerarkii xarunta wasaaradda A/Gudaha.!!

0
257

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka  ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarkii Alshabaab,ay ku qaadeen xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha,taasi oo ku taala meel u dhow isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa soo bad baadiyay dad ku sugnaa goobtaasi markii uu weerarka dhacayay,haatan xaaladda ayaa ku soo noqotay caadi,waxaana soconaya gurmad loo fidinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay.
Ma jirto war rasmi ah oo ku aadan tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay jiraan khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaartay askar, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada iyo dad kale oo wadada marayay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana warar lagu qoray baraha internet-ka lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta wasaaradda.
Xiliga uu weerarkan dhacayay xarunta wasaaradda kuma aysan sugney Wasiirrada labada Wasaaradood ee arrimaha gudaha iyo Amniga, hasse ahaatee waxaa si caadi ah u socday howlaha Wasaaradda.
Xarunta la weeraray oo loo yaqaano Oto Oto waxaa deganaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Amniga Gudaha oo sanad ka hor loo soo raray, waxayna sidoo kale aheyd xarunta War la liska Booliska ee taleefanka loo yaqaano 888.
Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka qaaday dhaawacyo ay ka mid yihiin Askartii ku sugneyd Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Irideeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Ciidanka dowladda oo soo afjaray weerarkii xarunta wasaaradda A/Gudaha.!!

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.