Ciidanka gaadiidka badan ku haysta duleedka Xamar oo la ogaaday waxay yihiin

0
317

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xooga dalka Gen Daahir Aadan Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxay yihiin ciidamada gaadiidka tirada badan ku xanibay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn.Indha-Qarshe, ayaa eedeyn u jeediyay hogaanka Saadka ee ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay bixiyaan dharka ay xiran yihiin ciidamada gaadiidka isbaarada u dhigtay.Taliyaha ciidamada xooga, wuxuu sheegay in ciidamada gaadiidka heysta inaysan ka tirsan ciidamada meletariga Soomaaliya, balse ay heleen dareeska ciidamada meletariga Soomaaliya, sida uu sheegay.Taliska Saadka ayuu ku eedeeyay Indha-Qarshe inay si qalad ah ku bixiyaan Tuutaha ciidamada meletariga, taasina ay sharaf dhac ku tahay ciidamada xooga dalka, sida uu sheegay.Ciidamo wata dareeska ciidanka Meletariga ayaa xaniban inka badan 200 oo gaadiidka Xamuulka qaada, oo ay ka doonayaan dhaqaalo badan sida maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen.Shan kun doolar ayaa la sheegay inay gaari walbaa ka doonayaan ciidamadan oo ka careysan  mushaar xumo heysta, sida maamulka Shabeelaha Hoose uu sheegay.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Ciidanka gaadiidka badan ku haysta duleedka Xamar oo la ogaaday waxay yihiin

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.