Ciidanka Puntland Oo Howlgal Ka Sameeyey Gaalkacyo

0
293

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa howlgal waxay ka sameeyeen waqooyiga magaaladaasi.
Howlgalkaan ayaa ahaa mid qorsheysan, waxaana lagu soo qabqabtay dhallinyaro lagu eedeynayey iney ku howlanaayeen iibinta waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale ay sameynayeen falal amniga wax u dhimaya.
Maxamuud Yaasiin Tumey, duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa warbaahinta uga warbixiyey howlgalladan, isaga oo tilmaamay iney soo qabteen dhallinyaro dhib maleegayey.
Howlgalkaan ayaa lagu soo qabtay 7 ruux oo Labo ka mid ah iibinayeen maandooriyaha xashiiska, sida uu sheegay duqa Gaalkacyo.
“Xashiiskan iyo raggan waxaan kasoo qabannay guri ku yaalla magaalada Gaalkacyo, waxaa horfadhiyey ciyaal 10 neeyo ah oo cunto loogu karinayey waxaa gudahana lagu gadayey xashiiska, sidoo kale waxaan soo qabannay Shan nin oo dadka Moobilada ka dhaci jirayey, kuna qarin jiray Labo mehradood oo ay magaalada ku leeyihiin” ayuu yiri Tumey.
Duqa Gaalkacyo ayaa ugu baaqay shacabka magaaladaasi iney la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka islamarkaana soo sheegaan cid walbo oo wax u dhimeysa amniga magaalada.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Ciidanka Puntland Oo Howlgal Ka Sameeyey Gaalkacyo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.