Cod bixinta wareega ugu dambeeya oo soo idlaatay iyo tirinta oo la gudo galay

0
248

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa goordhow idlaatay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka wareega ugu dambeeya oo xildhibaanada ay dhiibteen codadkooda.Labo Musharax oo kasoo gudbay wareegii koowaad ayaa ku tartamayay wareega labaad oo ah wareega ugu dambeeya ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.Marka lagu dhawaaqo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland waxaa la gudo gali doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka.Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed oo wareega koowaad helay 37 cod ayaa ah ruuxa loo saadaalinayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka inuu kusoo baxo.Waxaa wareega labaad kula tartamaya C/Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 15 cod.Xildhibaan CXakiin Dhoobadaarood ayaa hadda ugu cad cod tirinta wareega labaad ee doorashada.Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Cod bixinta wareega ugu dambeeya oo soo idlaatay iyo tirinta oo la gudo galay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.