Markii ugu horeysay sanadkii 2015-kii ayuu dhagaha Soomaalida kusoo dhacay dhawaqa ah in kooxda Daacish ay Soomaaliya ka abuurantay , kadib markii la helay Cajal cod ah oo lagu baahiyay barta lagusoo bandhigo Muuqaalada xagga Internet-ka ah ee Youtube-ka .
Codka oo la dulsaaray Sawirada Wadaad xag jir ah oo horay uga tirsanaa Alshabaab , islamarkaana ahaa ragga u ah geed fadhiga, talada ka timaadana aad ay qiimeyn jireen Shabaabka , ayaa lagu sheegay inuu yahay Hoggaamiyaha Kooxda Daacishta Soomaaliya.
Shiikh Cabdulkhaadir Muumin oo sita Dhalashada Wadanka Ingiriiska ayaa lagu tilmaamay inuu lahaa Codka la siidaayay , Sidoo kalena Sawiradiisa ayaa ka dhaxmuuqanaya Muuqaalkan la faafiyay.
Erayada uu adeegsanayay ayaa waxey ahaayeen kuwo , marka laga yimaado iney ku qanacsanyihiin kamid noqoshada Daacish , haddana waxaa kamid ahaa ammaan xad-dhaaf ah oo loo jeediyay hoggaamiyaha guud ee Daacish Abuubakar Al-baqdaadi.
Codka Cabdulkhaadir Muumin oo ku baxayay Luuqadda Carabiga ayaa Marka Soomaali loo dhigo waxa uu ahaa Sidan. “Waxaan nahay Mujaahidiinta Soomaaliya , Waxeynu cadeyneynaa in aan raali ka nahay Khaliifka Ibraahim Binu Cawed Binu Ibraahim Cawed Alqureyshiye”.
Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulkhaadir Muumin ayaa waxa uu horay uga dhignaa kooxaha ku dhuumaaleysanayay Dhulka sare ee Gal-gala ee ka tirsan Buuraleyda Goolis hoggaamiye la adeeco iyo sidoo kale Muftiga guud ee waxna u xalaaleeya , waxna ka xaaraantinimeeya .
Daacish ayaa soo dhaweysay Saaxiibadooda Soomaaliya.
Garabka Warbaahinta ee daacishta kunool Gobolka Siinaa ee dalka Masar ayaa waxey soo-saareen Muuqaal kooban oo lagusoo dhaweynayo go’aanka ay qaateen Cabdulkhaadir Muumin iyo Maleeshiyada uu hoggaaminayo.
Farrin sidoo kale Youtube-ka lasoo galiyay kana timid dhinaca Masar ayaa waxaa Cinwaan looga dhigay “Katimid Siinaa kuna socoto Soomaaliyaa” mid kamid ah dagaalyahanada Daacishta Masar ayaa kasoo dhax-muuqday waxa uuna soo dhaweyn ka dib xubnaha Soomaaliya jooga ee kusoo biiray waxa uu geesta kale sheegay in Waxa uu ugu yeeray Mujaahidiinta Soomaaliya ay yihiin kuwa dhab ah islamarkaana uu sidoo kale ku tilmaamay iney yihiin baarayaasha xaqa.
Gooba kale oo ay ka mid tahay Suuriya ayaa waxaa sidoo kale uga yimid kooxdan dhambaallo lagusoo dhaweynayo , kuwaasi looga mahad-celinayo go’aanka ay ku dhiiradeen.
Daacishta Soomaaliya koox Nasiib Xun!.
Kooxdan ayaa durbaba isku dayday iney weerar dagaal ku qaadaan meelo kamid ah Maamulka Puntland ee Soomaaliya , goobaha ay sida weyn isugu dayeen waxaa Kamid ah magaalada xeebta leh ee Qandala , inkastoo ay la wareegeen haddana kuma aysan nagaan oo waxaa dagaal ku qaaday ciidamada Puntland oo ay kor ka taageerayeen diyaaradaha dagaalka wadanka Mareykanka .
Daacish oo markii ay magaalada Qandala la wareegayeen muujinayay cudud ciidan islamarkaana calanka madow ee seefta dhaxda uga sawirantahay meelo Magaalada ka mid ah suray, markii ay baxayeen sidii ay kusoo galeen kuma aysan bixin oo iyaga oo aad mooddo dad baxsanaya ayeey meel geesa Qandala uga baxeen.
Ma jiraan weeraro ay Soomaaliya ka fuliyeen?
Marka loo eego kooxda ku xiran Al-qaacidda ee Alshabaab uma saameyn badna, walow la aaminsanyahay in weli ay is dhisayaan haddana Daacishta Soomaaliya waxey dhowr jeer sheegteen weerarro ka dhacay Puntalnd gaar ahaan Magaalada Boosaaso.
Weeraradaasi ayaa waxey ahaayeen kuwo qaraxyo ah iyo sidoo kale dagaal Puntland ay labinta ku raacday oo ka dhacay bar koontarool oo xilli habeen ah la wareeraray duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari.
Maxey tahay sababta ay kooxdan u dhisantay?
Sida ay sheegaan dadka ka faallooda arrimaha kooxaha diiniga ah iyo isbadalada ku dhaca, waxey ku sheegeen in Daacishta Soomaaliya ay ku dhisantay laba sabab oo kaliya.
Waa midda Koowaade in kooxda Daacish ay loolan xagga fikirka iyo awoodda ah ay la gasho kooxda Alqaacidda oo Soomaaliya ku leh unug ku xiran oo ka dagaallamo.
Iyo Ahmiyadda ay u leedahay Kooxaha argagaxisada ah Soomaaliya, iyagoo u arko in ay ka heli karaan dad u dagaallama iyo sidoo kale in Soomaaliya ay tahay dhul Istiraatiiji ah oo dagaalka ku wanaagsan, sidoo kalana meelo kale sida khaliijkana laga saameyn karo , maadaama ay ku xirantahay marinka Baabul-Mandab.
Alshabaab iyo Daacish iskuma Wanaagsana
Arrintan ayaa laga aqrisan karaa habka xiriirka Labadan dhinac oo aan Wanaagsaneyn , daacish ayaa ka qaxday Koonfurta Soomaaliya , kadib markii bilowgii Sanadkii 2016-kii Maleeshiyo ka tirsan lagu xiray Tuulo-barwaaqo oo gedo ka tirsan sidoo kalena ay shabaabku ku amreen iney isaga guuraan.
Cabdulkhaadir Muumin ayaa waixii xiligaasi ka dambeeyay u wareegay dhinaca waqooyi bari Soomaaliya, gaar ahaan Dhulka uu ka taliyo Maamulka Puntland.
Daacishta Soomaaliya koox nasiib daran.
Soo if-baxa Kooxdan ayaa waxey kusoo aaday xilli Soomaalidu ay barteen casharro soo socday ku dhawaad dhowr iyo toban sano , kuwaasi oo laga dhaxlay wixii laga helay waayo aragnimadii dagaaladii Shabaabka oo Soomaaliya ka dhigay meel dadka kunool ay ku reebeen mahadhooyin xanuun badan.
Sidoo kale kooxdan ayaa kusoo aaday xilli Soomaalida ay u heelanyihiin iney sameystaan qaran ku taagan rukumo adag, halka waalidiintana ay aad ula socdaan dhaq-dhaqaaqa caruurtooda si aan loogu shubin fikirka xagjirnimada ah .
Curashadii Kooxdan ayaa inta aaney xoogeysan waxey la kulmeen weeraro heer caalami ah , iyadoo hor-joogayaal ka tirsanaa lagu dilay weeraro dhanka cirka ah.
Inkastoo fikirkooda ay adagtahay in la tirtiro, haddana uma eka kuwa itaal ahaan sii jiri kara si lamid ah Alshabaab.
Daraasadan waxaa sameysay Shabakadda Baaritaan.com