DAAFACA XULKA BULGUIM VICENT KOMPANY OO QARKA USAARAN IN UUSAN KA QAYB GALIN KOOBKA ADUUNKA.

0
189

Daafaca xulka Bulguim Vicent Kompany ayaan waxaa lagu waramayaa in uu qarka u saaran yahay in uu seego ka qayb galka koobka Dunida kadib kulan saaxiibtimo oo xalay ay ciyaareen Xulkiisa oo uu dhaawac kasoo gaaray.

Xaalada dhaawac ee xidigan ayaa waxaa lagu waramayaa inaysan ahayn mid sahlan iyadoona 48-ka saac ee soo socda la kala ogaan doono natiijada rasmiga ah ee dhaawiciisa.

Xidigan reer Bulguim ayaa waxaa uu seegay ciyaaro muhiim ah sanadkii 2016kii.

Waxaa haatan socda kulamo saaxiibtinimo oo aad u xiiso badan oo dhexmaraya Xulalka ka qayb galaya Koobka dunida oo laba todobaad kadib ka furmi doona dalka Russia.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.