Daawo: Cabdirisaaq Cumar oo qabtay shir jaraa’id “Ma noqon doono guulwadow Siyaad”

0
314

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya,  Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA, ee lagu sheegay in la hakiyey qandaraasyo uu bixiyey.NISA ayaa sheegtay qandaraasyada la hakiyey loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso, kuwaas oo kadib qaadi doona tallaabo ka dhan ah.Shir jaraa’id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay ayuu ku sheegay in warka kasoo baxay NISA uu yahay mid siyaasadeysan, oo looga gol leeyahay in sumcaddiisa lagu dhaawaco, maadaama uu mucaarad ku yahay xukuumadda.“Waxaa la wadaa handadaad iyo cabsi ka dhan ah dadka xukuumadda kasoo horjeeda, balse aniga la ima handadi karo, mana noqo doono guulwadow Siyaad” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed ku yiri shirka jaraa’id.Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya,  Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inuu diyaariyey qoraal dacwad ah oo uu diyaariyey una gudbin doono guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Daawo: Cabdirisaaq Cumar oo qabtay shir jaraa’id “Ma noqon doono guulwadow Siyaad”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.