Daawo: Kaamirada qarsoon oo duubtay qaraxyadii uu fuliyey Shababkii la toogtay

0
224

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakamadda Darajada Kowaaad ee ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab.C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed ayaa qeyb ka ahaa qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo loo geystay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.C/qaadir oo 41 jir ahaa kuna dhashey magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku lug lahaa sahminta iyo diyaarinta qaraxyada, waxaana kamid ah qaraxyadii ka dhacay hotel Wehliye, 13 bishii March 2017 ayna ku dhinteen 10 ruux 17 kalena ay ku dhawacmeen.Warbixin uu diyaariyey TV-ga qaranka, ayaa muujineysa kaamirada qarsoon oo toos u duubtay mid ka mid ah qaraxyadii uu fuliyey oo dhacaya. Hoos ka daawo.




SOURCE: Daawo: Kaamirada qarsoon oo duubtay qaraxyadii uu fuliyey Shababkii la toogtay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.