|

Daawo: Madaxweyne Farmaajo “Siyaasiyiinta qeylinaya Kuligood waa shaqo doon”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dowladdiisa mucaaradka ku ah, isagoo ku eedeeyay in dowladiisa ay lugaha hayaan oo ay idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinayaan.
Isagoo la hadlayay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in siyaasiyiinta dowladdiisa ka soo horjeeday ay dhamaantood shaqo doon yihiin.
“Siyaasiyiinta bannaanka taagay ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’ideysan qaar waa aamusan yihiin, qaarna dagaal ku jiraan, oo in lugaha la haayo, hebel waa qeylinayaa ee bal haloo yeero, waa caqabad dad badan ku baraarugsaneyn”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay iyana caqabad ku yihiin dowladdiisa, isla markaana raadinaya awooddii gobolada dhexe iyo inay soo dhex maraan dowladaha deriska sida uu yiri.
Halkan hoose ka daawo Khudbada Madaxweyne Farmaajo.

https://connect.facebook.net/fr_FR/sdk.js#xfbml=1&version=v5.0

MD-Farmaajo”Siyaasiyiintii hore ma tagaan markaad is dhahdo 30 ama 50 soo qabo
MD-Farmaajo”Siyaasiyiintii hore ma tagaan markaad is dhahdo 30 ama 50 soo qabo kun careysan oo wada shaqadoona baa Faceebook-yada iyo Idaacadaha hor-taagan dagaalna waxay ugu jiraan sidii dowladda lugaha loo qaban lahaa oo loo xasuusto iyaga loona yiraahdo hebal waa qeylinayaaye hala soo qabto waana caqabad aan lagu baraarugsaneyn”Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri”dowladaha darisku hadday kuu arkaan inaad neceb tahay ama aadan la shaqeyneyn waxay kuusoo dhaxmarayaan maamul-goboleedyada oo awood madaxweyne raadinaya,Xildhibaanada ama dowladda dhaxdeeda”
Publiée par Dalsan TV sur Mercredi 13 novembre 2019

The post Daawo: Madaxweyne Farmaajo “Siyaasiyiinta qeylinaya Kuligood waa shaqo doon” appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Daawo: Madaxweyne Farmaajo “Siyaasiyiinta qeylinaya Kuligood waa shaqo doon”

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application